Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF), Jeneraal Charles Kahariri, ayaa sheegay in amniga iyo xasilloonida Gobolka Garissa ay tahay mudnaan qaran.
Isagoo booqasho shaqo ku jooga Taliska Guutada 6aad ee Modika, Jeneraal Kahariri ayaa helay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Garissa iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari.
Wuxuu ammaanay ciidanka KDF ee ku sugan halkaas, kuna bogaadiyay feejignaantooda, adkaysigooda iyo xirfaddooda shaqo.
Jeneraal Kahariri ayaa ku boorriyey ciidamada inay sii xoojiyaan feejignaanta, hawlgallada ku saleysan sirdoonka, isla markaana la shaqeeyaan hay’adaha kale ee amniga iyo bulshada deegaanka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

